Xog: Yaa dowlada ka gaday Mursal oo hadda eediisa dusha loo saaray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha shacabka Cabdi Weli Muudey ayaa eed kulul kala kulmaya xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa sida ay xogo hoose ku warramayaan ku dhaliilaya Muudey in uu mas’uul ka yahay hab-dhaqanka uu la soo baxay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan maadama uu isaga uu markii hore sabab u ahaa in dowladda ku taageerto qabashada xilka gudoomiyaha baarkamaanka markii uu is-casilay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xilligii lagu jiray ol’olihii doorashada gudoomiyaha golaha shacabka waxaa jiray xubno dhawr ah oo ay xukumadda gadaal ka riixeysay sida Cabdicasiis Lagtagareen iyo kuwo kale, hase ahaatee, waxaa la xaqiijinayaa in uu Muudey ku qanciyey in Mursal yahay shaqsiga ugu mudan ee la shaqeyn kara.

Si kastaba, taas ayaa hadda ku noqotay Muudey iyo Xukumadda waji gabax kaddib markii uu Mursal uu kasoo horjeestay dowladda kuna biiray xubnaha mucaaradka ah.

Xogta ay Caasimadda Online heleyso ayaa ku warramaysa in habeenkii Salaasada ay xubno ka mid ah baarlamaanka taageersan Xukumadda ay ku canaanteen Muudey soo xulistii Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Arbacadii ayuu gudoomiyaha Baarlamaanka ka guuray gurigiisa ku yaal Villa Somalia kaddib markii la sheegay in ay Xukumadda ku cunaqabateysay muddo laba maalmood ahaa.

Lama oga halka uu ka dambeyn doono khilaafka xooggan ee ruxay siyaasadda Soomaaliya wallow la sheegayo in gudoomiyaha Baarlamaanka laga keeni doono Mooshin maadama Xukumadda ay haysato xildhibaano badan oo taageeraya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com