Xog: Yaa iska leh diyaaradii maanta ka degtay Kismaayo, sideese Jubaland ku heshay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa rumeysan in diyaaraddii maanta ka degtay magaalada Kismaayo ee jebisay amarkii dowladda uusan lahayn maamulka Jubaland, sida uu sheegtay.

Jubaland ayaa maanta sheegtay in diyaaradda ay kusoo iibsatay lacag ka badan laba milyan oo dollar, si ay u jebiso xayiraadda iyo amarada dowladda federaalka ee ka dhanka ah duulimaadyada Kismaayo.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in nooca diyaaradda maanta tagtay Kismaayo ay tahay Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, waxaana ay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways.

Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa dhinaca kale sheegaya in diyaaradda ay u kireysan tahay shirkad uu leeyahay siyaasi iyo ganacasade Soomaali ah oo ku jira dowladda.

Wararkan ayaa sidoo kale sheegaya in Jubaland laga yaabo inaysan si toos ah usoo iibsan diyaaradda balse taa beddelkeeda ay iibsatay saami ka mid ah shirkadda uu leeyahay siyaasiga Soomaaliga ah, sidaas darteedna ay u awoodday inay adeegsato diyaaradda.

Dowladda Soomaaliya ayaa arirntan baaritaan ku haysa waxaana la filayaa inay go’aan kasoo saarto.

Wararkan ayaa weli isa soo taraya, waxaan idinla soo socodsin doonnaa wixii xog dheeri ah oo aan helno, Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com