Xidig oo talo usoo jeediyey DF kadib marki A/Madoobe uu fashiliyey xayiraaddii

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay mas’uuliyiinta Muqdisho ku sugan u ogolaato inay aadaan Kismaayo oo ay ka qeyb-galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Arrintan ayaa timid kadib markii maanta magaalada Kismaayo ay tegtay diyaarad sidday Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariim Guuleed, taasi oo fashilisay qorshihii ay dowladda uga hor-istaageysay mas’uuliyiintii hore ee dalka inay ka qeyb-galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

“Dowlada federaalka waxaan ugu baaqayaa inay soo fasaxdo kooxda qaran dumiska inta Xamar joogta ee Kismaayo usoo socota ee doonaya inay caleemo-saarka beenta ka qeyb galaan, waxaan hubaa inaysan guul kala dheel maneynin haddii rabi idmo” ayuu yiri Xidig.

Hadalka Xidig ayaa laga aqrisan karaa in dulucdiisa ay ahayd in haddiiba la wada hor-istaagi waayey mas’uuliyiinka ka qeyb-galaya caleemo-saarka Axmed Madoobe, inaysan wax macno ah sameeneyn in qaar ka mid ah la celiyo.

Xidig oo horey u sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubaland kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa dhinaca kale baaq u jeediyey shacabka Jubaland iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Shacabka ree Jubaland ee xalaasha ee is-beddel doonka waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan bad-baadada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo uu joogo waxaan ka codsaneynaa inay taageeradooda nala garab istaagaan.” Ayuu yiri Xidig.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com