Somaliland: Khilaaf ka jira ka qeyb-galka caleemo saarka Axmed Madoobe

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo isugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaano ka qeybgali doonaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay la dhaceen qaabkii ay u dhacday doorashada Jubbaland ,sidaasi darteedna ku dhiirogelisay in ay caleema saarka yimaadaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hadda yihiin Lix qof oo Labo ka mid ah ka imaanayaa golaha Guurtida, sidoo kalena waxaa wafdigan qeyb ka ah xubno ma talaya xisbiyada mucaaradka Somaliland.

“Xubno ay ka mid yihiin laba xildhiban oo galaha guurtida ah iyo xildhibaan ka mid ah golaha wakiilada oo anigu aan ka mid ahay inaan safar ugu bixi doono si aanu uga qaybgalno  caleema saarka Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo ka dhacaysa 9 bishan, tani waxay ka danbaysay markii Axmed Madoobe uu si layaab leh uga soo baxay doorashadii layaabka lahayd ee ka dhacday Kismaayo ee dawlada Somaliya ee aynu jaarka nahay ay carqaladayso dastuurkeeda”

Dood ayaa ka dhalatay hadalka xildhibaanka waxaana si weyn arintaasi kaga soo horjeestay Siyaasiyiinta Somaliland iyo Xukuumadda Muuse Biixi oo codsaday in la joojiyo Safarka Kismaayo.

Kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Wafdiga Somaliland ka socda ee Kismaayo ku wajahan ayaa ka socda Hargeysa, waxaana sheegeen in Maqaam dowlad ahaaneyd loo casuumi doono.

Dhanka kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay dan ka leedahay Jubbaland, taasi oo la mid ah kuwa ay Soomaaliya ka leeyihiin Turkiga iyo Qatar, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la filayaa in dhowaan lagu caleema saaro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com