Xog: Yaa ka dambeeyey inuu baaqdo shirkii Mudulood ee Muqdisho ka dhici lahaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dood uu keenay wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ay sabab u noqotay baaqashadii shirkii Mudullood oo furmi lahaa 13-ka bishan.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in habeen hore saqdii dhexe wasiirka amniga Soomaaliya uu isku dayay inuu badalo jadwalka shirka iyo ajandaha oo laga soo shaqeynayay bilooyinkii la soo dhaafay taasina lagu kala tagay, ugu dambeynna sababtay baaqashada shirka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in wasiirka uu aad u dhaliilsanaa qodobo kamid ah ajandaha shirka islamarkaana uu isku dayay inuu badalo balse ay dood weyn ka keeneen aqoonyahaano muddo dheer arintaasi u fadhiyay.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Mudullood oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in shirka doodaas loo baajiyay balse uu furmi doono maalmaha kale ee soo aadan. Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka ay suurtagal tahay inuu maanta furmo.

Horey waxaa u jirtay in Villa Somalia ay adeegsatay siyaasiyiin ku xiran oo kasoo jeeda beesha Mudulood, si la isugu dayo in shirka la baajiyo, waxaana la rumeysan yahay in siyaasiyiintaas ay sidoo kale ku xiran yihiin Ducaale.