Xog: Yuu ahaa qofkii xalay isku qarxiyey Gelato Divino?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo aan ka helnay ilo kuwa ammaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qofkii xalay isku qarxiyay maqaayadda Gelato Divino uu ahaa nin oday ah islamarkaana iska soo dhigay qof ahlu-diin ah.

Qof is qarxiyay ayaa ka gudbay Kontarool ay ciidanka ammaanka ku baaraan gaadiidka iyo dadweynaha u gudba dhinaca garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, mana jirin wax su’aal ah oo ay weydiiyeen ciidanka amaanka.

“Waxa uu ahaa nin oday ah oo soo xirtay khamiis, cimaamad sidoo kalane gacanta ku watay Tusbax mana aheyn qof laga filan karay in dhibaato geysan karo,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha amaanka oo aan la hadalnay

Ciidamada iyo mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in wadadaas ay aheyd meel ammaan ah, islamarkaana dadka mara la weydiin jiray damiin, aqoonsi halka mararka qaarna la baari jiray balse aysan xalay intaasba dhicin.

Sideed qof oo u badan dhalinyaro ayaa ku dhintay qaraxaas waana mid kamid ah qaraxyadii ugu xanuunka badnaa oo maalmahaan ka dhaca dalka. Dhallinyarada ayaa u badnaa kuwa wax bartay, shaqeysta, hormuudna u ahaa bulshada.

Mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka ayaa la sheegay in ay ku mashquuleen olalaha dib u doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kamid ah musharaxiinta sanadkaan.

Mar kasta oo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay kacsan tahay waxaa xumaada amniga, waxaana ugu waca is dhigasho hay’adaha amniga dhankooda ah, inkasta oo ay adag tahay in laga hortago qof doonaya inuu is-qarxiyo.