Wararkii ugu dambeeyey duqeyn cirka iyo dhulka ah iyo dagaal ka socda Mekelle

Mekelle (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa dagaal cir iyo dhul ah kii ugu danbeeyey ku qaaday magalaada Mekelle ee caasimadda Tigray, kadib markii ay soo dhamaatay waqtigii loo qabtay inay isku soo dhiibaan madaxda TPLF .

Waxaa xaafadaha Magaalada Mekelle ka socdo duqeyn culus oo ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Itoobiya, waxaana bilowday dagaal u muuqda inuu yahay midkii ugu dambeeyey oo uu Abiy Axmed ku doonayo inuu kusoo gaba-gabeeyo xasarada ka taagan Gobolka Tigray.

Hogaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa fariin telefoon oo qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay in Mekelle duqayn culusi ku socoto.

Debretsion ayaa sidoo kale ku eedeeyey ciidamada dalka ay dariska yihiin ee Eritrea in ay weerareen xeryo qaxooti oo ku yaalla gobolka Tigray, si ay u qabqabtaan qaxooti hore uga soo qaxay Eritrea.

Af-hayeenka xafiiska Ra’iisal wasaraha Itoobiya Billene Seyoum, ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay duqaynayn goobaha rayidka ah, waxaana ay intaa ku dartay in bedqabka dadka rayidka ah ee reer Itoobiya ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray tahay arrin mudnaan u leh xukuumadda federaalka.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, wuxuu shalay diiday in uu wada hadal la galo TPLF, wuxuuna cadeeyey in ay xooga saarayaan sidii midnimada dalkiisa loo ilaalin lahaa.

Howlgalkaan ayaa ah midkii ugu dambeeyay, waxaana dowladda ay sheegtay in gacanta lagu soo dhigi doono hoggaamiyeyaasha Tigray.

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sanadkii 2018-kii.