Daawo: R/Wasaare Rooble oo amar deg deg ah bixiyey kadib qaraxii Gelato Divino

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan degdeg ah isugu yeeray laamaha amniga eenka howlgala magaalada Muqdisho, kadib qaraxii xalay ka dhacay maqaayadda Gelato Divino, oo lagu dilay sideed dhallinyaro.

Rooble ayaa saraakiisha ammaanka ka dhageystay warbixin la xiriirta amniga dalka, gaar ahaan falkii xalay lagu beegsaday dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, wuxuuna siiyey amaro la xiriira amniga.

Intaas kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey laamaha ammaanka in ay waajib ku tahay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada, isagoo ku amray inay xoojiyaan howlaha sugidda ammaanka caasimadda.

“Waxaa laga sugayaa hey’adaha amniga in ay sii dardar geliyaan dadaallada lagaga hortagayo falalkan xasuuqa ah ee cadowgu ay soo maleegayaan. Argagixisadu waa sii tabar darreynaysaa maalinba maalinta ka danbeysa, kaddib markii ciidamadeenna geesiyaasha ah ay si mugleh uga shaqeeyeen amniga xilli aan furnay jidadkii magaalada,” ayuu yiri Rooble.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka dhegaystay wasiirka amniga iyo taliska ciidanka xoogga dalka warbixinno la xiriira amniga iyo howgallada lagu xoojinayo, isagoo faray in la sii dardargeliyo si aysan cadowgu uga faa’iideysan.”

Mas’uuliyiinta ayaa la wadaagay ra’iisul wasaaraha gurmadka caafimaad ee loo fidideyey dhaawacyadii qaraxii xalay.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan dadkii ku dhaawacmay falkan wuxuushnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku shahiiday, ehelkoodana uga tacsiyeeyey” ayaa lagu yiri qoraalka.

Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa xalay beegsaday dhalinyaro ku sugneed maqaayad ku taalla meel aan ka fogeyn isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku geeriyootay todoba qof oo dhamaantood ahaa dhalinyaro aqoonyahano ah, halka ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen.