Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka oo shaaciyey sababta weerarkii MUDUG

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa difaacday duqeyntii xooganeyd ee ay todobaadkii hore ka fulisay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, taas oo ay su’aallo ka keentay Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka wadankaasi.

Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in sababta ay ay Maryakanka u qaadeen duqaymihii tododbaadkii hore lala beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab ay tahay in ciidamada Soomaaliya ay xoojiyene weerarrada ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa timid, kadib markii uu culeys xoogan uu dhinaca Al-Shabaab uga yimid ciidamada huwanta, sida uu shaaciyey Lloyd Austin.

Austin ayaa intaasi ku daray in howl-galkaasi, kadib dib loo riixay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aaga uu dagaalka ka socda ee koonfurta gobolka Mudug.

“Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab,” ayuu yiri wasiir Lloyd Austin.

Hadalkan ayaa jawaab u ah Ilhaan Cumar oo warqad u dirtay madaxweyne Joe Biden, taas oo ay ku dalbaneyso inuu sharaxaad ka bixiyo sharciyadda iyo saameynta ka dhalatay howl-galkaas dhanka cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyey gobolka Mudug ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida tooska ah uga qeyb-qaata dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaa ciidamada Danab ee Xoogga dalka.