Xoghayaha guud ee QM oo FARMAAJO u diray baaq la xiriira madax goboleedyada

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres, oo warbixin ku saabsan Soomaaliya u gudbiyey Golaha Ammaanka, ayaa walaac ka muujiyey khilaafka weli taagan ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

“Waxaan weli ka walaacsanahay inkasta oo ay jiraan baaqyadeyda, iyo dadaallada joogtada ah ee wakiilkeyga gaarka ah ee Soomaaliya, haddana xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu weli yahay mid kacsan,” ayuu warbixintiisa ku yiri António Guterres.

Xoghayaha guud ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu dib usoo celiyo kulamadii uu la yeelan jiray madax goboleedyada.

“Waxaan ku dhiiri-gelinayaa Mr. Farmaajo inuu dib usoo nooleeyo madashii kulamada hogaamiyayaasha dalka, si loo wada-hadlo islamarkaana horey loogu dhaqaajiyo arrimaha qaranka,” ayuu yiri António Guterres.

Guterres ayaa sidoo ugu baaqay madax maamul goboleedyada inay si wanaagsan uga jawaabaan tallaabooyinkan, ayaga oo ka billaabaya inay soo magacaabaan wakiilo dowladda kala shaqeeyaa diyaarinta kulan madaxeed ay yeeshaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyey xiisadda gobolka Gedo, iyo dagaalkii halkaas ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland, wuxuuna yiri “Waa muhiim in dib loo soo celiyo wada-shaqeynta iyo wada-hadallada dowladda dhexe iyo mas’uuliyiinta Jubaland.”