Ciidamo iyo hub badan ‘oo lasoo geliyey’ Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka madasha xisbiyada qaran, Cabdirisaaq Shoole oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in ciidamo huwan magaca AMISOM ay hub fara badan soo galiyeen gudaha dalka.

Shoole ayaa wareysiga lala yeeshay ku sheegay in hubkaan laga soo galiyey dhinaca dhulka, gaar ahaan dhanka xuduudaha, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in la geeyey gobollada Gedo, Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Afhayeenka madasha xisbiyada qaran oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay walaac ka qabaan arrintaas oo uu tilmaamay inay sii hurin karto xiisadaha ka jira gobolka Gedo.

C/risaaq Shoole ayaa intaasi ku daray in laga rabo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika inuu la socdo dhaq dhaqaaq ciidamada AMISOM iyo hubka ay soo gelinayaan dalka.

“Waxaan maqli jirnay maleeshiyaad aan heybtooda la aqoonin, maanta marka ciidamo shisheeye oo aan heybtooda la aqoonin ayaa waxaa ka dambeeyey ama sameeyey looma dul-qaadan karo.” ayuu yiri afhayeenka madasha xisbiyada qaran ee hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd ee Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintaan ay ku soo aadeyso, kadib dhacdadii lagu soo riday diyaaddii rakaabka aheyd ee ku socotay garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale, taas oo la sheegay inay gantaal ku dhufteen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka