Somaliland oo ku hanjabtay in kiis ICTIRAAF raadin ah ay gayn doonto maxkamada ICJ

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda iskeed isku magacowday ee Somaliland ayaa ku hanjabtay iney kiiska ictiraaf raadinta geyn doonto maxkamadda caalamiga ah ee ICJ iyadoo madaxweyne Muuse Biixi uu meel fagaare ah ka sheegay hadalkaan.

Muuse Biixi wuxuu shacabka u sheegay iney tallaabadaas qaadi doonaan haddii aan xal waara laga gaarin wada-hadallada u dhaxeeya iyaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sanadkii 1991 ayey Somaliland sheegatay iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxeyna wali ku raad joogaan iney helaan madax banaani gaar ah iyo in dunidu u aqoonsato dal aan ka mid aheyn Somaliya.

Muuse Biixi waxa uu aaminsan yahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay kaliya ka wadahadli karaan daris wanaagga iyo danaha labada dal, wuxuuna meesha ka saarayaa wada-hadal ay Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya inteeda kale.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imanaya ayada oo shalay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, oo khudbad ka jeediyey kulan Golaha Ammaanka uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, uu shaaca ka qaaday inay wada-hadallo u socdaan Soomaaliya iyo Somaliland.

James Swan ayaa sheegay in wada-hadallada ay yihiin heer sare ah, islamarkaana labada dhinac ay leeyihiin xiriir joogto ah. Waxa uu intaas ku daray in labada dhinacba ay doonayaan in lasii hormariyo wada-xaajoodyada.