Xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo is-casilay – Yaa beddelaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Abuukar Zubeyr ayaa shalay xilkii iska casilay, isagoo qoraal dheer oo shaqo ka tegis ah u diray Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraalka ayuu ku sheegay Maxamed Abuukar inuu si iskiis ah u go’aansaday inuu xilka iska casilo, isagoo uga mahadceliyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre shaqadan uu horay ugu igmaday. 

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhawaan lagu wado in isku shaandheyn iyo isbadalo lagu sameynayo hay’adaha dowladda, gaar ahaan xilalka Golaha Wasiirada iyo agaasimayaasha, waxaana sidoo kale laga yaaba iney is-casili doonaan saacadaha soo socda xubno kale.

Maxamed Zubeyr ayaa xitaa is-casilaaddiisa kahor la rumeysnaa inaanu awood buuxda ku lahayn xafiiska, ayada oo ra’iisul wasaaraha ay ku hareereysan yihiin la-taliyeyaal badan oo awood leh, taasi oo jahwareer ku haysa xafiiska.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in xilkan Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha loo wado Kamaal Xasan Guutaale, oo hadda ka mid ah la-taliyayaasha tirada badan ee Ra’iisal Wasaaraha.