Xogo cusub: Khilaafka Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online)-10-kii bishan Maarso ayay ahayd maalintii uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu daah furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Furitaanka kalfadhiga 3-aad iyo kulankii koowaad oo ay yeesheen Xubnaha Golaha Shacabka kadib waxaa bilowday Mooshino iska soo horjeedo oo mid ka mid ah laga keenay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada oo sheegay in ay gaarayaan 107 ayaa Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey u gudbiyay Mooshinka.

Mooshinka ay gudbiyeen Xildhibaanada qaar ayaa waxaa ku kala qeybsamay guddoonka iyo xildhibaanada Golaha shacabka.

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen guddiga joogtada ayaa lagu baabi iyay Mooshinka maadaama sida guddigu ay sheegeen uusan sharci ahayn tirada Xildhibaanada mooshinka uu ku ansixi karano aysan ku saxiixneyn.

Xildhibaan Daahir Amiism Jeesow ayaa sheegay in aysan xaq u lahayn in guddiga joogtada ay baabi’iyaan mooshinkooda.

Go’aanka guddiga ka soo baxay ayaa dhaliyay inuu sii bato kulamada iska soo horjeedo ee labada dhinac ay yeelanayeen, waxaana jiray warar ay heshay warbaahinta oo sheegaya in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu gadaal ka riixayo Xildhibaanada wada Mooshinka guddoomiye Jawaari taasi oo cadeyneysa in uu khilkaaf u dhaxeeyo guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate ayaa sheegay in sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay hor boodeyso Mooshinkan sidoo kalena Xildhibaanada wada ay yihiin Xildhibaanada ka tirsan Xukuumada Ra’iisul Wasaare kheyre.

Dad badan ayay lama filaan ku noqotay in Baarlamaanka dhexdiisa uu ka bilowdo Mooshino iska soo horjeedo maadaama horay loo arki jiray Xildhibaano Mooshin ka keenay Ra’isal Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Maxamed Nuur oo ka mid ah shacabka muqdisho ayaa sheegay in wax cusub ay ku noqotay Mooshinka laga keenay Jawaari.

Guddiga joogtada qodobada ay ku baabi’iyeen Mooshinkan waxa ka mid ah in ay ka baxeen xildhibaano horay u saxiixday sidaas darteedna ay ku yaraadeen tirada xildhibaanada wada Mooshin, hadaba xeer hoosaadka golaha shacabka ma qabaa in xildhibaano saxiixay mooshin iney ka laabtaan waa kan Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo sharaxaya.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka C/weli Muudeey ayaa cadeeyay inuu sharci yahay Mooshinka guddoomiye Jawaari laga keenay isla markaana uu saxiixay dhaqan gelintiisa uu isaga xaq u leeyahay.

Warar ay heshay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka C/weli Muudeey uu goobjoog ahaa kulankii guddiga joogtada balse markii dambe uu kaga baxay kulanka khilaaf soo kala dhex galay Xubnaha guddiga iyo guddoonka golaha shacabka.

Shacabka Muqdisho ayaa aragtidooda ka dhiibtay khilaafka soo kala dhex galay guddoonka golaha shacabka iyo Xildhibaanada, waxa ayna ku baaqeen si waafaqsan sharciga loogu xaliyo arrimahaan.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu arrimahaas soo fara geliyo kana shaqeeyo xal u helidooda.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Maxamed heekh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaanada ugu baaqay iney dhowraan midnimada iyo sharaciga golaha.

Sidoo kale warar ay heshay Idaacada Risaala ayaa sheegaya in uu socdo qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu shaacin lahaa mooshinka laga wado xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee dhaliilsan Xukuumadda ayaa ku tilmaamay Mooshinka Jawaari inuu yahay mid boor isku qaris ah oo ay Xukuumadda ku dooneyso inay ku jahwareeriso howlaha Baarlamaanka iyo la xisaabtanka Xukuumadda.

Guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka ayaa labo u kala jabay, waxaa hal dhinac ah Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cawad, halka Guddoomiye kuxigeenka 1-aad C/wali Muudey uu dhinac kale yahay.

Lama oga meesha ay ku dambeyn doonto, waxaase muuqata in xaalad fowdo iyo qalalaase uu galay Golaha Shacabka, taas oo laga yaabo inay saameyn ku yeelato Kulamadii Baarlamaanka.

W/D:- Ahmed Abdi Ali

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com