Daawo: Khudbadii qiiraha laheyd uu Senetor Goonjeex ka jeediyay Xarunta Aqalka Sare (Halista DP World)

Muqdisho (Caasimada Online)-Senetor C/waaxid Cilmi Goonjeex oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Khudbad cajiiba shalay ka jeediyay Xarunta Aqalka Sare ee dalka.

Khudbada Senetor  Goonjeex ayaa ku qotontay dhibaatooyinka ay Somalia ka dhexli doonto Heshiiska Imaaraadka lagula galay Dekadda Berbera.

Senetor Goonjeex oo kaashanaayay aragti fog ayaa sheegay in damiir xumo ay u tahay Somalia in dhulkeeda lagu maamulo, waxa uuna sheegay in wakhti hore ay mudan tahay in laga hortago boobka ay Imaaraadka iyo Ethiopia ku hayaan Dekadda Berbera.

Senetor-ka waxa uu sheegay in Soomaalida laga doonaayo inay kala doortaan inay ka fekeraan nolosha sanado badan kadib ay heli doonaan carruur carbeed ama ay qaatan in sanado badan kadib ay nolol wanagsan helaan Carruurta Soomaaliyeed, taa oo uu ula jeedo dhaqaalaha ay Imaaraadka dooneyso inay ka gurato Dekadda Berbera oo dhul Soomaaliyeed ah.

Khudbada Senetor-ka ayaa ka muuqata carro uu ka muujinaayo sida ay Soomaalida ugu qanacsan tahay in xiligaan ay gacanta u galaan gumeysi carbeed, waxa uuna ka digay in laga raali noqdo waxa uu ugu yeeray magriga Imaaraadka.

HOOS KA DAAWO KHUDBADA SENETOR GOONJEEX