Imaaraadka oo ciidamo cusub u tababaraaya maamulka Somaliland & Biixi oo ka hadlay qorshaha ciidamada cusub

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in dhawaan ay tababar ciidan siiso Askar ka tirsan maamulka Somaliland.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in tababarkaasi uu qeyb ka yahay heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Millateri oo ay ka dhisanayaan magaalada Berbera.

Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo u waramaayay Wakaalada wararka ee Reuters ayaa  sheegay in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan Ciidamada Booliska iyo Milateriga Somaliland.

Waxa uu Muuse Biixi, sheegay in rajo ay ka qabaan in heshiiskan lagu soo gabagabeyn doono labo bilood, isagoo tilmaamay in qodobada Heshiiska uu kamid ahaa in tababar lasiiyo ciidamada Somaliland.

Muuse Bixi ayaa yiri ‘’Waxaa jira culeysyo badan oo nasoo wajahaaya si aan uga badbaadno waa qasab inaan yeelano ciidamo awood leh waxaana taas naga caawinaya dawlada imaarat-ka Carabta oo aanu kula heshiinay markii aanu galaynay heshiiska Saldhiga magaaladda Berbera’’

“Waxaa ammaanku ku jiraa in ciidan badan oo Millatari ah ay ku sugnaadaan deegaanka” ayuu yiri Muuse Biixi

Sidoo kale, Muuse Biixi, waxaa uu rajo ka muujiyay in sanadkan gudihiisa ay Imaaraadka Carabta ku dhameyn doonaan Saldhigga ay ka dhisanayaan meel ku dhow garoonka diyaaradaha Berbera.

Talaabadan ayaa imaaneysa xili labadii sano ee lasoo dhaafay Imaaraadka Carabta ay soo dhaweysaneysay maamulka Somaliland, oo Siyaasad ahaan ay aad isku khilaafsan yihiin dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com