Muxuu ku dambeyn Khilaafka Jawaari iyo Kheyre ?

Maqaalkaan waxaa qorey Maxamed Cabdullaahi Kooshin oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed, horeyna uga tirsanaa bahda Warbaahinta. Wuxuuna ku daabacay Page-kiisa Facebook-ga.
48dii saac ee ugu dambeysay saaxiibo badan ayaa i waydiiyay aragtidayda la xiriirta dhul-gariirka siyaasadeed ee u dhaxeeya xoogaga hoggaanka hay’adaha fulinta iyo sharci-dajinta. Sidaas aw-geed, waxaan idinla wadaagayaa aragtidayda halka ay ku dambaynayso hillaaca roobkaan mahiigaanka ah ee hadda ka dhex curtay Baarlamaanka.
Marka ugu horreysa Mooshinka Jawaari laga keenay waxaa ka horreeyay oo muddo socday Mooshin-ka PM Xassan Cali Khayre. Xalkuna wuxuu noqday sida idiin muuqata “Qaniiyo ayaa qaniiya kaa fujisa”
Hardankaan wuxuu jahwareer aad u daran ku riday Tageerayaashii #NabadIyoNolol oo lakala saftey dhinacda. Wuxuu kaloo jihada saxda ah ka qariyay Shacabka Soomaaliyeed oo waayay macluumaad sax ah, si ay u gaaraan go’aanno sax ah.
Qalabka Warbaahinta ayaa noqday sunta dadka ka ilmaysiisa ee loo isticmaalo Mudaharaadyada ama Banaanbaxyada. Sababtoo ah ma jirto illaa hadda Warbaahin baaritaan sax ah samaysay. Jahwareerkii ayay qayb ka noqdeen iyaguna.
Tanse ugu daran waa in Warbaahinta loo adeegsaday in la isku xiro sheekooyin waali ah oo aan shuqul iyo shaqo isku lahayn sida Imaaraad Iyo Qadar Khilaafkooda in ay arrintaan la xiriirto!!! Sidee ula xirtaa fasiraad cidina kama bixin weli ?? Waa sheeko Baraley marka tani.
Halkaa markay joogto Ma imaan karto Su’aal ah “Horta Yaa saxan Yaase khaldan dhinacyada ?” Waayo Annagu Maxkamad ma nihin xukun sharci ah rida. Balse waxaa rabbi nasiiyay damiir aan ku garanno wax kasta oo maslaxadeena iyo mustaqbalkeena dhaawacaya, iyadoo aan is waydiin karno Xilligaan qalafsan oo uu dalku waajahayo Qalalaase Siyaasadeed oo gobolka ah ma saxbaa in lagu kala adkaado MOOSHIN ? Maya saan is leeyahay.
Maxay ku dambayn arrintaan ?
Taariikhdu iyadaa macalin ah, waxayna u egtahay in ciyaartaan ay ku dhammaanayso 0-0 “Win win Game”  Si la mid ah Hardankii u dhaxeeyay Madaxwayne Xaaf, Kuxigeenkiisa Carabey, Iyo G/ Baarlamaanka Galmudug. Taasi oo natiijadii ay ku dhammaatay ay ahayd in uu dhinacyadii is hayay oo dhan isugu yeeray Madaxwayne Farmaajo, kaddib-na uu hishiis caafimaad qaba ka saxiixay.
Si la mid ah Nidaamkii uu Galmudug u xaliyay ayay ila tahay in uu Madaxayne  Mohamed Farmaajo u xallinayo arrintaan. Waayo wey muuqataa Mowqifka Madaxwaynuhu uu qaatay marba haddii uu shalay bilaabay in uu la kulmo dhinacyada is haya.  Xalkaas ayaana ah kan midayn kara Baarlamaanka oo hadda noqday labo garab oo labo mooshin gacmaha ku kala sita.
Waxaa jirta aragti kale oo ay dadka falanqeeya siyaasada ay qabaan oo ah in haddii uu Jawaari bad-baado in Kheyre uu kursigiisa luminyo, haddii uu Jawaari meesha ka baxana in Kheyro uu dhammaysanayo 3sano ee u hartay.
Balse annigu marna ma qabo in la-kala adkaado in ay xal keenayso. Waa rajo beel iyo Baarlamaan intay labo garab noqdaan maalinba koox la caysado. Halkaasina waxaa ku dhimanaysa rajada aan ka qabno dalkaan soobakashada ku jira.
Fursada aan haysano oo qura waa Madaxwaynaha oo qaata doorkiisii shariif-ka ahaa ee aan horey uga baranay.
Wixii aan khalday naf iyo shaydaan bay ka ahaatay, wixii aan saxayna Allaa i solonsiiyay.
W/Q: Mohamed Abdullaahi Kooshin
Email: Kooshinyare2002@gmail.com