Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ka socda diyaar garow loogu jiro faafinta isku shaandheyn uu sameeyay Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada oo iminka la diyaariyay.
Hogaamiyaha maamulka oo muddo asbuuc ah ku guda jiray latashiyo ayaa waxaa iminka la xaqiijiyey inuu kasoo jeestay latashiyada.
Latashiyada uu kusoo dhisay Golaha Wasiirada cusub ayaa waxa uu la qaatay Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Isqabqabsiga ugu badan ayaa ka taagnaa tirada ay noqonayaan Xubnaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed, iyada oo warar soo baxayay ay sheegayeen in tiradii hore laga yareyn doono balse taasi ay diideen Waxgaradka Beelaha, waxana la sheegayaa in ay noqon doonaan in ka badan 60 Xubnood.
Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa badankood sheegay in ay ka codsadeen Hogaamiyaha in isbadal lagu sameeyo Golaha Wasirada, maadaama ay sheegeen in ay jiraan Wasiiro aanan ka soo bixin waajibaadkii loo igmaday.
Si kastaba ha ahaatee, Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Hogaamiyaha maamulka uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada ee maamulkiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]