28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xogta booqashada wasiirka arrimaha dibedda China uu ku imanayo Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beijing (Caasimada Online) – Diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha ayaa Arbacadii billaabay safarkiisa sannadlaha ah ee sannadka cusub uu ku tago Afrika, isagoo diiradda saaraya sidii loo heli lahaa marin ganacsi oo istiraatiiji ah oo ku yaalla bariga iyo koonfurta Afrika, xilli Beijing ay doonayso inay sugto marinnada maraakiibta iyo khadadka sahayda kheyraadka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi ayaa booqan doona Itoobiya, oo ah dhaqaalaha ugu koboca badan Afrika; Soomaaliya, oo ah dal ku yaalla Geeska Afrika oo bixiya marin muhiim u ah waddooyinka maraakiibta caalamiga ah; Tansaaniya, oo ah xarun saad (logistics) oo isku xirta bartamaha Afrika ee qaniga ku ah macdanta iyo Badweynta Hindiya; iyo Lesotho, oo ah dal dhaqaalihiisu yar yahay oo ku yaalla koonfurta Afrika, kaas oo ay ceejiyeen tallaabooyinka ganacsi ee Mareykanka. Safarkiisa sanadkan wuxuu socon doonaa ilaa 12-ka Janaayo.

Booqashadiisa Soomaaliya waxay noqon doontaa tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiinees ah uu ku yimaado tan iyo 1980-yadii, waxaana la filayaa inay Muqdisho siiso garab diblomaasiyadeed kadib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Jamhuuriyadda gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, taas oo ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991-kii.

Shiinaha ayaa ahaa saaxiib muhiim ah oo dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha kala dhexeeyo Soomaaliya, isagoo taageera horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadantinimo, iyo xiriirka diblomaasiyadeed, isagoo isla markaasna ilaalinaya mawqif adag oo ku aaddan madax-bannaanida qaran iyo midnimada dhuleed.

Beijing waxay ka mid ahayd dalalkii diiday aqoonsigii dhawaan ee Israa’iil siisay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan. Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, balse weli aqoonsi kama helin beesha caalamka.

“Waa inaanay jirin dal dhiirrigeliya ama taageera xoogagga gooni-u-goosadka ee gudaha dalalka kale si uu uga fushado danihiisa gaarka ah,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, oo la hadlayay suxufiyiinta intii uu socday shirkii jaraa’id ee caadiga ahaa, isagoo ku celiyay sida Shiinuhu uga soo horjeedo tallaabooyinka hal dhinaca ah ee loolanka gelinaya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay.

Booqashada Wang ee Soomaaliya ayaa imaanaysa xilli dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo sarreeya uu ka jiro Geeska Afrika, iyadoo Muqdisho ay raadinayso inay xoojiso taageerada caalamiga ah ee midnimadeeda dhuleed kadib tallaabadii muranka dhalisay ee Israa’iil.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in mawqifka Shiinaha uu la jaanqaadayo diidmada ballaaran ee Afrika iyo caalamka ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland, wuxuuna sii xoojinayaa ahmiyadda uu Shiinuhu siiyo madaxbannaanida oo ah tiir-dhexaadka siyaasaddiisa arrimaha dibadda.

Faahfaahinta kulamada Wang ee Soomaaliya weli lama shaacin, balse saraakiishu waxay sheegayaan in wadahadallada la filayo inay diiradda saaraan iskaashiga laba-geesoodka ah, xasilloonida gobolka, iyo xiriirka guud ee Shiinaha iyo Afrika.

Beijing waxay higsanaysaa inay iftiimiso dalalka ay u aragto inay tusaale u yihiin bahwadaagta barnaamijka kaabayaasha dhaqaalaha ee “Belt and Road” ee Madaxweyne Xi Jinping, iyo inay ballaariso suuqyada wax loo dhoofiyo, gaar ahaan dalalka ay dhalinyaradu u badan yihiin ee dhaqaalahoodu soo korayo sida Itoobiya, halkaas oo IMF ay saadaalisay inuu dhaqaalaheedu kobci doono 7.2 boqolkiiba sanadkan.

Shiinaha, oo ah deyn-bixiyaha laba-geesoodka ah ee ugu weyn adduunka, ayaa wajahaya tartan sii kordhaya oo kaga imaanaya Midowga Yurub oo ku aaddan maalgelinta kaabayaasha Afrika, iyadoo dalalka ay saameeyeen culeysyada deynta ee xilligii cudurka safmarka ah ay hadda raadinayaan maalgashi halkii ay deyn ka qaadan lahaayeen.

- Advertisement -

Read more

Local News