Washington (Somalia Today) — Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan barnaamijyada kaalmada Mareykanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay eedeymo sheegaya in saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ay burburiyeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo uu Mareykanku maalgeliyo, islamarkaana ay la wareegeen raashin gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah.
Bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Washington ay “walaac xooggan” ka qabto wararka tilmaamaya in saraakiishu “burburiyeen bakhaar WFP leedahay, si sharci-darro ahna u qaatay 76 tan oo raashin gargaar ah oo deeq-bixiyeyaal ugu talagaleen Soomaalida nugul.”
Bayaanka ayaa intaas ku daray in maamulka Trump “uusan marnaba u dulqaadan doonin” waxa uu ugu yeeray “is-daba-marinta, xatooyada, iyo leexsashada gargaarka nolosha badbaadiya.”
Bayaanka ayaa intaas ku daray in dib u bilaabidda gargaarka ay ku xirnaan doonto in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay “qaadato mas’uuliyadda falalkaas aan la aqbali karin, islamarkaana ay qaaddo tallaabooyin sax ah oo lagu xallinayo arrinta.”
Hakintan la shaaciyay ayaa kusoo biiraysa walaac soo jireen ah oo deeq-bixiyeyaashu ka qabeen kormeerka iyo leexsasashada gargaarka ee Soomaaliya, oo ah mid ka mid ah dalalka dunida ugu badan ee gargaarka ku tiirsan, sidoo kalena ah jiid muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Washington ayaa horay u hakisay taageero gaar ah oo ay siin jirtay ciidamada amniga Soomaaliya sababo la xiriira isla arrimo ku saabsan la-xisaabtanka.
Sanadkii 2017, Mareykanka ayaa joojiyay taageeradii raashinka iyo shidaalka ee uu siin jiray inta badan cutubyada milatariga Soomaaliya kadib markii ciidanku ay dhowr jeer ku guuldareysteen inay xisaabcelin ka sameeyaan sahayda. Si kastaba, 2019-kii, Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay inuu dib u bilaabayo taageero xaddidan oo la siinayo hal cutub oo Soomaali ah kadib dib-u-habeyn iyo kormeer la sameeyay.
Dhanka kale, deeq-bixiyeyaasha waaweyn ayaa marar kala duwan adkeeyay kantaroolka hawlaha bini’aadantinimo. Sanadkii 2023, Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hawlgallada WFP ee Soomaaliya, kadib markii baaritaan Qaramada Midoobay sameysay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo si xun u isticmaal gargaarkii loogu talagalay ka hortagga macaluusha.
Inkastoo ay jiraan caqabadahaas, haddana Mareykanka ayaa weli ah taageeraha ugu weyn ee hawlaha gargaarka bini’aadantinimo iyo dadaallada xasilinta ee Soomaaliya.
Warbixin kooban oo horay uga soo baxday Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa Soomaaliya ku tilmaantay dal si weyn u hela kaalmada Mareykanka.
Waaxda Arrimaha Dibadda ma aysan caddeyn noocyada kaalmada ee la hakiyay, iyo in barnaamijyada bani’aadantinimo ee la soo mariyo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ay ka reeban yihiin tallaabadan.
Waxay kaliya sheegtay in Washington ay hakisay barnaamijyada “waxtarka u leh Dowladda Federaalka Soomaaliya,” iyo in dib u bilaabid kasta ay u baahan tahay “la-xisaabtan” iyo “tallaabooyin sixitaan ah.”
Haddii hakintan ay dhaafto barnaamijyada kooban ee xiriirka la leh dowladda, waxay cakiri kartaa dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan sii wadidda hawlgallada amniga, dadaallada xasilinta, iyo dib-u-habeynta dowladnimada—kuwaas oo ah meelaha deeq-bixiyeyaashu ay inta badan shuruud uga dhigaan daah-furnaanta iyo xakameynta.
Hase yeeshee, xitaa haddii lagu koobo taageerada tooska ah ee dowladda, tallaabadan waxay xambaarsan tahay cawaaqib weyn oo xagga sumcadda iyo hawlgallada ah oo ku wajahan Muqdisho, gaar ahaan xilli hay’adaha gargaarku ay sheegayaan in kheyraadku sii yaraanayo halka baahiduna ay sii kordhayso.

