Xogta dagaal lagu jabiyay Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

Cadale (Caasimadda Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal iyo howlgallo tan xalay illaa maanta ka socda qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgallada oo ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ka dhacay aagga deegaanka Sumadaale, waxaana xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Dagaalka oo 4 jeer la’isku soo laabtay ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday fariisimo ay ciidamada huwanta ku leeyihiin deegaankaas oo u dhow Bursha Sheekh.

Wararka ayaa sheegaya in xubno badan looga dilay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale ciidamada dowladda ayaa iyaguna uu khasaare kasoo gaaray dagaalka oo xoogganaa.

Sidoo kale duqeymo ayaa ka dhacay halkaas oo lagu taageerayay ciidamada huwanta ee weerarka ku qaaday maleeshiyaadka argagixisada ee ku sugan aagga Bursha Sheekh.

Waraxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkan waxaana lagu sheegay in weerarka ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo beegsaday xarumihii kooxaha Khawaarijta ee deegaanka.

Sidoo kale, dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaaday in jab culus la gaarsiiyay kooxaha argagixisada, isla markaana cagta la mariyay xarumo ay ku lahaayeen halkaasi.

“Howlgalka waxaa lagu burburiyay goobo ay kooxda Khawaarijtu ku lahayd deegaanka, halkaas oo ay ka wadeen falal argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale lagu sheegay in la dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, balse qoraalka laguma shaacin tirada rasmiga ah ee laga khaarijiyay Al-Shabaab.

“Waxaa howlgalka lagu dilay tiro ka mid ah Khawaarijta ku sugnayd degaanka halka goobihii gabaadka u ahaa Argagixisada laburburiyay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weli xaaladda ay kacsan tahay, isla markaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan agagaarka deegaanka Bursha Sheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ah meesha lagu dagaalamay.

HirShabeelle ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo aad u culus, iyada oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta iyo dadka deegaanka oo qorshahoodu yahay inay ka hortagaan Al-Shabaabka soo galay Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale taageero ka helaya saaxibada caalamiga ah oo iyana duqeymo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliya deegaannada ay ka socdaan howlgallada ee gobolkaasi.