Garoowe (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa waxaa farriin culus oo la xiriirta dagaalka Daacish loogu diray shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi oo loogu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.
Booliska ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in shacabka looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aaddan firxadka xubnaha kooxda Khawaarijta Daacish.
Sidoo kale war-saxaafadeedka intaasi kusii daraya in xubnaha Daacish ay suuragal tahay inay isku dhex qariyaan shacabka, maadaama haatan ay wajahayaan xaalad culus.
“Shacabka Puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay feejignaadaan, maadaama ay suurtagal tahay in firxadka argagixisadu isku dayaan in ay bulshada ku dhex dhuuntaan” ayaa lagu yiri fariinta ay soo saartay Puntland.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay amniga uu yahay mas’uuliyad wadareed, loona baahan yahay in la’iska kaashado, si looga hortago dhagarta kooxaha argagixisada.
“Amniga waa mas’uuliyad wadareed. Adiga iyo bulshaduba kaalin weyn ayaad ku leedihiin sugidda amniga” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Booliska Puntland.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Haddii aad aragto ama maqasho dhaqdhaqaaq laga shakiyo si degdeg ah ula xiriir booliska adigoo wacaya 999 (24/7 diyaar ah)”.
Maleeshiyaadka kooxda oo dareemay culeys xooggan ayaa dhowaan bilaabay inay kasoo baxsadaan furimaha dagaalka, iyaga oo soo galay magaalooyinka, si ay ugu duuntaan.
Qaarkood ayaa sidoo kale isku dayay inay u baxsadaan dalalka dariska iyo dhanka Koonfurta Soomaaliya, sida ay horay u shaaciyeen saraakiil ka tirsan Puntland.
“Dagaalkii dhacay waxaa ka soo baxay firxad badan oo sharwadayaasha xaggooda ka imaanaya kuna wajahan dowladaha dariska ah, Koonfurta Soomaaliya iyo kuwa jihadu ka lunsan tahay oo iska yaacaya” ayuu horay yiri taliye ku-xigeenka labaad ee Booliska Puntland.
Si kastaba, Puntland ayaa si weyn loogu boggaadiyay dagaalka ay ku qaaday kooxda Daacish, waxayna taageero ka heleysaa saaxibada caalamiga ah oo duqeymo ka fuliya gobolka Bari.