25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Mareykanka oo duqeyn culus xalay ka fuliyay Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn culus oo uu xalay mar kale Mareykanka ka fuliyay aagga buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

Weerarka oo ahaa bartilmaameed ayaa waxaa lala beegsaday xubno ka tirsan Khawaarijta Daacish, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Puntland.

“Caawa abaare 09:00 habeenimo, saaxiibada Dowladda Puntland ee USA waxay duqeyn ka fuliyeen buuraleyda Calmiskaad, iyagoo bartilmaameedsaday xubno ka mid ah argagixisada Daacish,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Puntland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta lagu garaacay talis weyn oo Daacish ku lahayd Gaatir-Oodan, oo dhacda Togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo difaacyo adag uga jiraan maleeshiyaadka kooxda.

Puntland waxa kale oo ay sheegtay in ay dib ka faahfaahin doonto khasaaraha gaaray argagixisada, isla markaana ay weli wadaan uruurinta macluumaadka duqeyntaasi.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waaweyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Imaaraadka Carabta, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhowaan albaabada u furay cid walba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

- Advertisement -

Read more

Local News