Xogta howlgal Al-Shabaab looga dilay horjooge + Magaca

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanka Hanti-wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan oo ay fuliyeen ciidanka kumaandooska Danab ayaa lagu dilay afar xubnood oo uu ku jiro horjooge magaciisa lagu sheegay Zubeyr.

Ninkaan ayaa ahaa madaxa amniga ee kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galka ayaa sidoo kale waxaa lagu bur-buriyay fariisimahii kooxda ku laheyd deegaanka Hanti-wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa dagaalka socda looga dilay horjoogayaal sare, ayada oo horraantii sanadkaan un howl-gal dhanka cirka ah oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoostaga degmada Awdheegle lagu dilay laba horjooge oo muddooyinkii dambe si aad ah loogu raadjoogay.

Labada horjooge ee lagu dilay howl-galkan ayaa kala ahaa; Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howl-gallada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay ku sugan yihiin dagaal-yahaanada Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhac ku yimid gulufka ka dhanka ah kooxda.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?