Xasan, Farmaajo iyo Geedi oo digniin ugu filan Deni kahor inta uusan ku xiran Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo doorashadii ugu dambeysay ee Soomaaliya ee heer federaal ka galay kaalinta 3-aad, haatanna aan qarsanin damaciisa doorashada soo aadan ee Soomaaliya ayaa markaan u xalwanaaya cilaaqaadka dowladda Itoobiya, halkaas oo ay hore siyaasiyiin badan oo Soomaali ah ugu lumiyeen fursadihii ay haysteen.

Khilaafka u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo markii hore ahaa mid labadooda u eeg ayaa hadda u muuqda inuu intii hore ka ballaartay. Laakiin dhinaca aan la inkiri karin waa inuu weli Saciid Deni ku mashquulsan yahay inuu helo cid la qaada damaciisa Villa Somalia.

Haddaba, Itoobiya ma tahay cidda ay Saciid Deni uga badin karto marka laga reebo inuu Xasan Sheekh ku xanuujin karo marxaladdan taagan?

Aan dib ugu laabano dhowr siyaasi oo Itoobiya ay fursadoodii dishay, waxaana kamid ah;

1. CALI MAXAMED GEEDI

Ra’iisul wasaarihii dowladdii kumeel-gaarka aheyd ee Soomaaliya ayaa gacantiisa midig ka dhigtay dowladda Itoobiya, wuxuuna hore u fuliyay welina ku faana inuu ahaa mid kamid ah raggii sababay inay ciidanka Itoobiya markii ugu horreysay tagaan caasimada Soomaaliya, halkaas oo ay kumanaan ruux oo shacab ah ku dileen.

Inkasta oo ay dadka caasimada ugu dambeyn Itoobiyaankii ka adkaadeen, haddana Cali Maxamed Geedi dib dambe saaxada siyaasadda waa usoo fuuli waayay, waxaana loo sababeeya naceybka gudaha ee Soomaalida nuuca ay tahayba u qaada siyaasiga caashaqa Itoobiya ama isku daya inuu iyaga u shaqeeya.

2. Madaxweyne XASAN SHEEKH

Doorashadii madaxtinimada Soomaaliya ee 2017 waxay kusoo aaday iyada oo Itoobiya ay xilligaasi tahay saaxiibka ugu dhow ee madaxweyne Xasan Sheekh. Addis Ababa waxay waqtigaasi olole badan ugu jirtay in Xasan Sheekh uu kusoo laabto xafiiska.

Laakiin Soomaalida waxay dooratay Farmaajo oo markaas loo arkayay siyaasiga Soomaaliga ah ee ugu fog dhanka Itoobiya.

3. FARMAAJO

Qofka saddexaad ee kaga filan khasaaraha siyaasadeed ee laga dhaxlo ku milanka Itoobiya waa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wixii ka dambeeyay 2018 madaxweyne Farmaajo ayaa isku dhiibay Itoobiya, taas oo markii koowaadba dhulka gelisay shacbiyadiisi gudaha, si gaar ah dadkii markii hore ku raacay inuu yahay siyaasi ka fog dowladda Itoobiya, oo illaa hadda xoog ku haysata dhul iyo dad Soomaaliyeed.

Doorashadii 2022 waxay kusoo aaday iyada oo Farmaajo uu weli baalka ku wato dowladda Itoobiya, mucaaradkiisuna taas ayay ololihiisa ku darsadeen kursigana uga qaateen.

Diiwaanka aan la qarin karin ee siyaasadda Soomaaliya ku xusan waa in dadka Soomaalida aanay marnaba jaceyl iyo niyad wanaag siinin siyaasiyiinta jeebka u gala dowladda Soomaaliya.

Xitaa waxaa xusid mudan in ololaha doorashada Soomaaliya ay marwalba mowduuc ka tahay in laga fogaado siyaasiyiinta ay wadato dowladda Itoobiya, maadaama aanay Soomaalida marna iloobin dadka iyo dhulka ka maqan iyo weliba damaca cusub ee Itoobiya.

Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni oo weli rejo badan ka qaba inuu noqon karo madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda kusii socda dhabahaasi ay Cali Geedi, Xasan Sheekh iyo Farmaajo ku waayeen xilal, xurmad iyo xiisihii shacabka intaba.

Dad badan ayaa aaminsan inuu weli Saciid Deni heli karo inuu dagaalka Xasan Sheekh si kala u qaabeeyo isaga oo aan Soomaalida usoo raacin Itoobiya, tiiyo oo weliba waqtigani ka qaraar yahay kii raggaasi kale khasaariyay, waxaana laga wada dharagsan yahay sida ay labada waddan iyo labada shacab usii kala fogaadeen.

Majiro siyaasi Soomaali ah oo ay weli ugu badisay la jirka Itoobiya.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?