Maxaad ka ogtahay malaayiin dollar ee Soomaaliya la siiyay kadib dayn-cafinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatah sanduuqa caalamiga ee horumarinta beeraha, kaasi oo Soomaaliya lagu siinayo lacag dhan $31.22 Milyan oo dollar.

Lacagtan ayaa loogu tala-galay barnaamijyada taageerada ee la xiriira sugnaanta cunnada iyo reer miyiga, ayada oo la marsiin doono barnaamijka u adkeysiga hab-nololeedka miyiga (RLRP).

Tallaabadan ayaa ku timid isbeddelka hanaanka dowliga ee Soomaaliya iyo deyntii dhawaan dalka laga cafiyay, sida uu sheegay wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

“Soomaaliya waxaa u furmay maal-gashiga iyo mashaariicdii horumarinta kadib dayntii dalka laga cafiyey. IFAD waxay dalka dib ugu howl-galaysaa burburkii dalka ka dib,, taas oo ka shaqaysa horumarinta beeraha,” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo la hadlay BBC.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mashruucan malaayiinta doolar ku kacaya lagu hagaajinayo nolosha beeralayda, islamarkaana laga caawinayo dabeecadaha isbeddelka cimilada iyo adkaysigooda.

“Hadda lacagta waxaa la hayaa 11 milyan oo dollar oo haya’adda IFAD, marka intaas ayaa mashruuca lagu bilaabayaa qaybtiisa hore,” ayuu yiri Wasiir Maareeye, oo sidoo kale sheegay in lacagta kale ku soo dhamaan doonto muddo 8 sano oo qorshaha mashruucani socon doono.

Dhulka beeraha ku haboon ee Soomaaliya ayaa heli doona mudnaanta mashruuca gaar ahaan maamullada HirShabelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, sida uu Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Si kastaba, mashruucan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay IFAD si toos ah uga maal-geliso Soomaaliya, tan iyo markii dalka laga cafiyey deymihii balaayiinta dollar ahaa ee muddo dheer lagu lahaa Soomaaliya, wuxuuna imaanaya xilli dowladda federaalka ay dadaal badan ku bixineyso kor u kaca dhaqaale iyo dakhli ee gudaha dalka, oo sanadkaan kor u kac sameeyay.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?