Xogta kulamada madaxweyne Xasan Sheekh ee caawa iyo Baydhaba + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray Baydhaba ayaa caawa kulamo is-xogwaraysi ah kula qaatay odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Madaxweynaha maamulkkaas Cabdicasiis Laftagareen, ayaa ku wehliyey kulamadaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa odayaasha dhaqanka ku boorriyey dardar gelinta kaalintooda ku aaddan nabadaynta, dib-u-heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo isu soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in duubabka dhaqanku ay udub-dhexaad u yihiin geeddi-socodka dowlad-dhiska dalkeenna.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay qiraysaa doorka wanaagsan ee aad ku leedihiin dowlad-dhiska dalkeenna, nabadaynta iyo hoggaaminta bulshada. Waxaan mar walba soo dhoweynanaa talooyinkiinna wax-ku-oolka ah ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka. Waxaan idinka codsanaynaa in aad nagu garabsiisaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah dal nabad ah, xasilloon oo horumarsan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda federaalka ee ku saabsan horumarinta arrimaha bulshada, dib-u-heshiisiinta, la dagaallanka argagixisada iyo wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay abaaraha saameeyey guud ahaan dalka.

Dhankooda, odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Koonfur Galbeed oo Madaxweynaha ugu hambalyeeyey mas’uuliyadda loo doortay, ayaa hoosta ka xarriiqay la shaqaynta dowladda iyo garab istaagga dadaalladiisa ku aaddan horumarinta dalka.

Sidoo kale waxay tilmaameen in ay ku kalsoon yihiin odaynimada Madaxweynaha, waayo aragnimada iyo fulinta ballanqaadyadiisa hortebinta u leh horumarinta dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.