Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku qaabilay Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov.
Kulanka wasiirka iyo danjiraha ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta dadaallada socda iyo taageerada dowladda Ruushka ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga cirib-tiro kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaliyeed iyo guud ahaan gobolka.
Mudane Jaamac ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada saaxiibada caalamka ee ku aaddan gacan siinta arrimaha la xariira dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida isku duubnida ah ee ay u wajaheen in ay dalkooda ka cirib-tiraan kooxaha nabad diidka isaga oo sheegay in ay Ruushka ka go’antahay taageerada Soomaaliya
Safiirka Ruushka ayaa maalmihii dambe kulamo ka waday magaalada Muqdisho, wuxuuna Isniintii Madaxtooyadda Qaranka ee Villa Somalia kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Safiirka ayaa markaas sharaxaad dheer madaxweynaha ka siiyey sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.
Ruushka iyo Soomaaliya oo 40 sano ka hor ahaa saaxiibo aad isugu dhow ayaa ku kala tegay dagaal xiligii uu socday dagaalkii weynaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii, balse hadda waxaa tartiib u soo noqonaya cilaaqaadkii labada dal.