Xogta kulankii Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen ee caawa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku booqday hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Labada mas’uul ayaa kulankooda ahaa mid is-xog wareysi oo la xiriira iyo arrimaha doorashada madaxweynaha, iyadoo kulanka goobjoog ka ahaayeen xildhibaano baarlamaanka cusub ka tirsan oo laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Maadaama Koonfur Galbeed ay ka mid tahay maamulada xildhibaanada ugu badan laga soo doorto ayaa Xasan Sheekh wuxuu ka codsaday Cabdicasiis Lafta-gareen sidii uu qeyb ugu noqon lahaa isbadalka socda iyo in uu taageero ololahiisa dib u doorasho.

Waxaa la ogyahay in Lafta-gareen iyo Farmaajo ay isku xiran yihiin siyaasad ahaan, islamarkaana Lafta-gareen uu ka shaqeynayay mudooyinkii lasoo dhaafa in dib loo doorto Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, waxaa jirta rajo ah in Lafta-gareen ka fakari karo qorshe labaad, haddii uu Farmaajo soo dhaafi waayo wareegga koowaad, waxaana uu fursadda ugu weyn u noqon karaa Xasan Sheekh.

Lafta-gareen ayaa la rumeysan yahay inuu ka walaacsan yahay in Sheekh Shariif uu ku guuleysto doorashada, sababtoo ah wuxuu xulufo la yahay guddoomiye Aadan Madoobe iyo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Maalinta beri oo ku beegan 11-ka May ayaa kulanka baarlamaanka loo balansan yahay, waxaana furmi doona dhageysiga khudbadaha murashaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha, halka maalinta Axada 15-ka May ay tahay maalinta ay dhaceyso doorashada.