Xogta ururka ay Farmaajo, Abiy iyo Afwerki dhisayaan iyo dalal kale oo ku biiraya

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka war bixiyey kulankii maanta magaalada Asmara ku dhex maray hoggaamiyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen in la dhiso iskaashi cusub.

Agaasime Cabdinuur oo u waramay VOA ayaa sheegay in seddaxda hoggaamiye ay isku raaceen in la sameeyo iskaashi buuxa oo ka hir gala geeska Afrika, kaas oo la doonayo inuu ka shaqeeyo danaha gobolka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxdu ay is tuseen dalal ay u arkaan inay ku biiriyaan ururkooda oo muhiim u ah is-baheysiga ay ka bilaabeen gobolka, waxuuna sheegay in dalalkaas dib laga sheeci doono.

Agaasimaha ayaa sheegay in talaabada xigta kulankii maanta ay Asmara ku sheeyeen madaxweynayaashu ay noqon doonto in la howl-geliyo guddiyo isku dhaf ah oo ka soo shaqeeya dhaqan gelinta qodobadii lagu heshiiyey, kuwaas oo ka wada imaan doona seddaxdaan dal iyo kuwa lagu biirinayo is-baheysigan.

Sidoo kale Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in ay dhinacyadu qirsanyihiin in gobolka lagu hayo faragelin ba’an, si gaar ahna ka dowlad haan ay tuhmayaan faragin uga imaaneysa qaar ka mid ah dalalka caalamka, balse wixii hada ka dambeeya ay dhinacyadu iska kaasha doonaan sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen.

“Waxaan rajeynaynaa iyadoo la ilaalinaayo madaxbanaadida dal kasta oo is baheysigaan ka mid ah, hadana si wadajir ah uu is-baheysigan uga shaqeeyo, sidii meel looga soo wada jeesan lahaa loona diidi lahaa, in dal ka mid ah is-baheysiga fara gelin uu ku sameeyo dal kale oo shisheeye”ayuu yiri Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia.