Xogta warqad la sheegay in DF ku dalbatay dhex-dhexaadinta Itoobiya hal arrin darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay baraha bulshada la wareejinayay warqad la sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya ku dalbaneyso dhex-dhexaadinta Itoobiya, sababo la xiriira ciidankeeda ku sugan gudaha Soomaaliya.

Warqaddan ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya aysan diidayn mabda’a ka qayb ahaanshaha Itoobiya ee hawl-gallada ATMIS, xilli ay dowladda federaalka dhawaan warbaahinta ka shaacisay go’aanka bixitaankooda, taasi oo uu ka horyimid maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay noo xaqiijiyeen in warqaddani tahay mid been abuur ah.

“Warqaddan meelaha la wareejinayo ma ahan mid sax ah, ayey noo sheegeen masuuliyiin dhowr ah oo aan wax ka weydiinay arrintaan.

Warqaddan ay been abuurka ku tilmaamtay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa Tanzania looga dalbanayay inay wada-hadallo u furto Soomaaliya iyo Itoobiya, si looga hadlo dib u eegis lagu sameeyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka oo muhiim u ah amniga Soomaaliya, sida lagu yiri warqadaan ay iska fogeysay Soomaaliya.

“Sida aad la socotaan waxaa xumaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay Itoobiya iyo maamulka Somaliland kala saxiixdeen heshiis sharci darro ah. Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa garwaaqsan doorka muhiimka ah ee ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin la-dagaalanka Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warqadda wareegaysa baraha bulshada ee DF ay iska fogeysay, kuna sheegtay mid been abuur ah.

Tanzani ayaa hadda guddoon u ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (AU PSC).

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey meel adag iska taagtay xad-gudubka Itoobiya, ayada oo dhawaan sheegtay in dalka ka baxayaan ciidanka Itoobiya, xilli uu socdo qorshe kale oo lagu doonayo in lagu sii dheereeyo howl-galka Midowga Afrika.

Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ciidanka ATMIS ee dalka ka baxaya lagu daro gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka jooga gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud.