Xubnaha kooxda “the Crusaders” oo qarax u maleegayey Soomaalida oo la xiray

Kansas (Caasimada Online) – Saddex nin oo ka tirsan koox maleeshiyo ah ayaa lagu soo oogay dambi ah inay qorsheynayeen inay qarax bam ka fuliyaan dhisme ay Soomaalida degan yihiin oo ku yaalla gobolka Kansas ee dalka Mareykanka.

Xariga saddexdan nin ayaa ka dambeeyey sideed bil oo baaritaan ay wadday hay’adda FBI-da Mareykanka, oo ku saabsanaa naceyb baahay oo kooxdan ay u qabtay Soomaalida.

crusadersKusimaha xeer ilaaliyaha Mareyakanka ee gobolka Kansas, ayaa saddexda nin ku sheegay Curtis Wayne Allen oo 49 jir ah; Patrick Eugene Stein oo 47 jir ah; iyo Gavin Wayne Wright, oo 49 jir ah.

Saddexdan nin ayaa ka tirsan koox lagu magacaabo “the Crusaders” oo neceb dadka soo galootiga iyo muslimiinta ah.

Kooxdan ayaa bartilmaameedsaneysay Soomaalida maadaama ay yihiin muslimiin iyo muhaajiriin.

FBI-da ayaa kooxdan baaritaanka ku billowday bishii February waxayna u dirtay xubno isqarinayey oo ka qeyb galay kulamada kooxdan ay ku maleegtay shirqoolka.

Waxaa kulanka lagu go’aamiyey in weerarka lala beegsado dhismaha ay degan yihiin 300 illaa 500 oo Soomaali ah.

Saddexda nin ayaa wajahaya xabsi daa’in haddii dambiga lagu soo oogay lagu helo.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com