Puntland oo ciidamadii ugu badnaa geysay Gaalkacyo iyo Gaas oo qabsaday 24 saac

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Gaalkaco ayaa sheegaya in maamul Goboleedka Puntland ay ciidamadii ugu badnaa keenay magaalada Gaalkacyo oo xiisad ka taagan tahay.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay shalay iyo xalay yimaadeen magaalada iyagoo lagu soo daabulay gaadiid dagaal iyo kuwa ciidamada, waxayna wataan tiknikada dagaalka.

Dhaqdhaqaaqa ciidamada Puntland ayaa ku soo beegmay iyadoo uu magaalada Cadaado waanwaan nabadeed ka bilaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid.

Wakiilada Beesha Caalamk oo ka war helay ciidamada Puntland u soo dhaqaajisay Gaalkacyo ayaa xiriir toos ah la sameeyay madaxweyanaha Puntland C/weli Gaas iyagoo ka dalbaday inuu dib u celiyo ciidamadaasi.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow xafiiska UNSOM ee Muqdisho madaxweyne Gaas ayaa qabsaday in la siiyo muddo 24 sacaadood ah oo uu xaalada ku qaboojiyo, waxaana lagu wadaa inuu maanta ra’iisal wasaaraha gaaro Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
caasimada@live.com