Galmudug oo goordhow ciidamo hor leh geysay furunta dagaalka Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada 0nline)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkayo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay cabsi aad u xoogan.

Wararku waxa ay sheegayaan in maamulka Galmudug uu kordhiyay ciidamadii ka joogay furumaha dagaalka, iyadoo Saraakiisha hogaamineysa ciidamada Galmudug lagu amray inay iska celshaan kuwa Puntland.

Ciidamada Galmudug saaka ku biiray kuwa furumaha ayaa waxaa tiro ahaan la sheegay inay kor u dhaafayan 80 kuwaasi oo ka qeybqaadan doona dagaalka lagula jiro Puntland.

Ciidamadaani Galmudug ayaa waxaa iminka loo kala qeybiyay dhufeysyada furumaha ay ku leedahay Puntland.

Sidoo kale, Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa gaaray ciidamo aad u xoogan oo uu wato Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland.

Ciidamada uu hogaaminaayo Taliyaha ayaa la sheegay inay ku biireen kuwa kasoo horjeeda Galmudug.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan waxaana laga cabsi qabaa in goordhow halkaasi uu ka dhaco dagaal.

Magaalada Gaalkacyo oo laba dhinac u qeybsan ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay xarun colaadeed isku bedesho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com