Dagaal aad u qaraaran oo ka qarxay magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal aad u xoogan ayaa waxa uu hadda ka socdaa magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka xoogiisa ayaa wax uu hadda ka socdaa Galbeedka magaalada Gaalkacyo waxa ayna labada ciidan isku adeegsanayaan Hubka culus.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Taliyaha guud ee ciidamada Puntland uu ciidamo wata gaadiid dagaal geeyay magaalada Gaalkacyo.

Galmudug ayaa iyana halkaasi goordhow geysay ciidamo aad u xoogan waxaana iminka socda dagaal aad u qaraaran.

Labada dhinac ayaa waxa ay isku adeegsanayaan hubka aadka u culus, waxaana iminka halkaasi ka socda barakac aad u xoogan.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa dalbaday ciidamo hor leh, waxa uuna dagaalka imaanayaa iyadoo magaalada Garoowe laga sugaayo wafdi uu hogaaminaayo Cumar C/rashiid.

Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu intaa kasii xoigeysto.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com