Sawirro: Laba shaqsi oo caan ah oo loo doortay xubnihii ugu horreeyey aqalka sare

Cadaado (Caasimada 0nline) – Magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug waxaa goordhaw lagu doortay senator-kii ugu horeeyay ee Soomaaliya, tilaabadan ayaa qeyb ka ah doorashada aqalka sare ee 2016-ka.

Abshir Maxamed Axmed Bukhaari waxaa uu helay 48 cod halka labada la tartameysay ay kala heleen Axmed Cabdi Kaahiye 23 cod iyo Kamaal Daahir Xasan 16 cod.

Kursigan Abshir loo doortay waxaa uu ka mid yahay ilaa 8 kursi oo maamulka Galmudug ay ku yeelan doonaan aqalka sare ee Soomaaliya.

Abshir waxaa uu horay uga soo shaqeeyay BBC-da iyo Al-jazeera, waxaa kaloo uu ahaa agaasimaha madaxtooyada Villa Somalia.

Kursiga Labaad waxaa ku guuleystay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Qeybdiid waxaa horay u soo noqday madaxweynaha Galmudug.bukh

1a

2a

3a

4a

5a