Galmudug oo madaafiic ku garaacday gaadiid gurmad u ahaa Puntland iyo dagaalka oo sii xoogeystay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal aad u xoogan ayaa waxa uu wali ka socdaa Galbeedka magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamada ay dirirtu u dhexeyso ayaa isku adeegsanaaya hubka culus waxaana iminka la soo warinayaa in ciidamada Galmudug ay Madaafiic ku garaacen kolonyo gaadiid dagaal oo gurmad u ahaa ciidamada Puntland.

Ciidamada Galmudug ayaa ku dhawaad afar madfac ku garaacay wado ay marayeen ciidankaasi waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro xoogan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Ciidamada Puntland waxa ay iyaguna garaaceen xaafado dhowr ah oo ay ka dagaalamayeen ciidamada Galmudug.

Warar hordhac ah ayaa sheegaaya in khasaaraha dhimasho ee labada dhan uu yahay ilaa shan, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo koow iyo toban oo ay ku jiraan shacab.

Sidoo kale, Dagaalka ayaa la sheegayaa in iminka uu sii xoogeystay waxa ayna labada dhinac qaadaceen waan-waan ay iminka bilaabeen waxgaradka Gaalkacyo.

Dagaalka hadda socda ayaa imaanaya iyadoo goordhow magaalada Garoowe uu gaaray Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com