Xuduudda Mandhera oo rasaas laga maqlay iyo Cali Roba oo sheegay inay soo gaareen ciidamo badan

Mandhera (Caasimada Online) – Barasaabka Mandhera Cali Roba ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda magaalada aysan weli daganeyn islamarkaana uu mar walba qarxi karo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Cali Roba oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay in ciidanka Jubaland ay isku urursanayaan gudaha magaalada

Waxa uu sidoo kale sheegay in xalay rasaas laga maqlay xuduudda, ayada oo la rumeysan yahay in rasaastaas ay rideen ciidamada Jubaland daacadda u ah ee uu hogaaminayo Cabdirashiid Janan.

Cali Roba ayaa sidoo kale sheegay in shacabka magaalada ay maanta soo sheegeen in laba baabuur oo xamuul ah oo sida ciidamada Janan ay usoo jaheysteen Mandhera ayaga oo soo maraya waddada B9/A13 Road.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay isku dayayaan inay xal u helaan xiisadda xudududa, waxaana la filayaa in madaxweyne Farmaajo uu booqdo dalka Kenya.

Xuduudda ayaa waxaa 2-dii March ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Janan, waxaana ku dhintay shan qof oo dhinacyada dagaalamay ah, ayada oo 15 kale ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkaas ayaa horseeday in dowladda Kenya ay ciidamada Soomaaliya ku eedeysay inay kusoo xadgudbeen madax-banaanideeda, halka Soomaaliya ay sheegtay in ciidanka Kenya ay ka qeyb-galeen dagaalka, oo ay madaafiic ku garaaceen Beled-Xaawo.