27 C
Mogadishu
Sunday, July 13, 2025

Xukuumadda ETHIOPIA iyo QM oo ka arinsanaaya xaalada dalka Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Qaramada Midoobay iyo dowlada Ethiopia ayaa ka wada hadlay xaalada Somalia.

Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qarmada Midoobay ee dhanka siyaasada Jefferey Feltman oo uu eheliyo ergayga QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Copenhagen kaas oo ay kaga wada hadleen xaalada Somalia.Wasiirka ayaa kaaliyaha xoghayaha qaramada midoobay  uga warbixiyay  xaalada Somalia iyo South Sudan.

Wasiirku wuxuu xusay in somalia  horumar la taaban karo laga gaaray  dhanka dhismaha maamul goboleedyada,dhismaha hay’adaha dowlada iyo xoojinta ciidamada qaranka.Wasiirku wuxuu ku baaqay in  Beesha caalamku ay sii wado taageerada ay siiso dowlada Somalia si loo xoojiyo dedaalka dadka soomaaliyeed ay ee ah  in la helo  Somalia oo hormarsan,dimuqraadi ah oo xasiloon .

Dhanka kale kaaliyaha xighayaha Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay dedaalka joogtada ah ee wax ay ugu yeertay in Ethiopia ugu jirto dib udhiska,horumarinta iyo xasilinta Somalia.

Kaaliyuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in taageerada bini-aadamnimo ee Beesha caalamku noqoto mid joogto ah oo isla xisaabtan leh xaqiijisana in Somalia noqoto dal dimuqraadi ah horumarsan islamar ahaantaana xasiloon.Wuxuu kaaliyuhu Ethiopia iyo dalalka kale ee Somalia daneeya ugu baaqay inay sii wadaan taageerada dhan walba leh ee ay Somalia ufidiyaan.

Kulankan oo warbixintiisa lagu soo daabacay qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda ee Ethiopia ayaan lagu xusin in labada masuul ka wada hadleen khilaafka madaxda sare ee Somalia oo ilaa iyo hada Beesha caalamku xal u wayday.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Ethiopia ayaa shirka ka sheegay in IGAD ka go’antahay xal uhelida khilaafka madaxda sare iyagoo kaashan doona UN iyo EU inkastoo arintaas aysan wali muuqanin oo ay ubadan tahay in soomaalida dhexdeeda la isu dayn doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News