Xukuumada Kheyre oo ka digtay dhismaha gudiga BF ee la dagaalanka musuqa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka digay dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa xilli aan wali la ansixin Sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa.

Waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan Sharciga la dagaalanka Musuqmaasuqa, waxaana intaasi ka dib saxiixi doona Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in faafinta rasmiga ah markii lasoo saaro ka dib la dhisi doona guddiga la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Wasiirka ayaa waxaa uu ka digay in Dhismaha Guddiga xilli sharciga aan la marsiin Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay sheegeysay bilihii lasoo dhaafay in si deg deg ah loo dhisi doono guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Dhowaan ayaa guddiga maaliyadda baarlamanka waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay musuq-maasuq xooggan ku kacday, ayada oo la la’yahay lacag dhan 42 milyan oo dollar, eedaas oo xukuumadda ay beenisay.

Diidmada dhismaha guddigan ayaa abuuri kara shaki ku saabsan in xukuumadda aysan diyaar u ahayn in musuq-maasuqa lala dagaalamo.

Hoos ka dhageyso wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com