Xog: Go’aanka uu Mursal ka qaadan doono khilaafka guddiga maaliyadda BF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa kulan la yeeshay Qaar ka mida xubnaha Guddiga Maaliyada ee uu dhowaan kala diray Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka C/weli Ibraahim Sheekh Muudey.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa ka qeyb galay garabka Guddiga ee soo diyaariyey warbixinta Muranka dhalisay ee Arrimaha Miisanaiyadda dowladda 2018, waxaana kla mid ahaa guddoomiyaha iyo xoghayaha guddigaasi, iyadoo looga hadlay xaaladda Guddiga iyo go’aankii lagu kala diray.

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu xubnaha uu la kulmay ee guddiga uu weydiiyay sida ay Guddi ahaan u sii wada-shaqeyn karaan, kadib khilaafkii baarlamaanka hortiisa ay ku kala qeybsameen iyo qaabka ugu haboon ee xal loogu heli karo arrintooda.

Dhinaca kale shirar is daba joog ah ayuu shalay, xalay iyo maanta la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka xildhibaannada iska horjeeda, xukuumadda iyo Madaxtooyada oo dhammaantood kala wata go’aanno kala duwan, waxaana la sheegay inuu ku adkeystay inuu isagu dib ugu celin doono Baarlamaanka arrinta Guddiga Maaliyadda si ay go’aan uga gaaraan.

Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka ayaa ka horjeeda go’aanka Guddoomiye Mursal, waxaana laga cabsi qabaa in Guddoonku kala qeybsamo, iyadoo markii hore khilaafku ka taagnaa Guddi ka tirsan Baaralmaanka, laakiin ay muuqato inuu saameyn ku yeelan doono Guddoonka Golaha Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com