Xukuumada R/W Kheyre oo shaacisay inay wada-hadal la galeyso M/Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maanta aaladda Internet-ka ku dhex maray guddi hoosaadka golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee tubta siyaasadda loo dhanyahay, isla markaana uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuleed ayaa lagu soo bandhigay qorshe ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkaas kusoo badhigtay qorshe faah-faahsan oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajood hadda kadib dhex mara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, oo haatan qaar kood wax wada shaqeyn ah la laheyn dowladda dhexe.

Qorshahaas ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka waa mid ay dhinacyadu uga wada xaajoonayaan arrimaha doorashooyinka dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay kulanka.

Soo bandhigidda qorshahan ayaa ka dambeysay amarkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ku saabsanaa dardar gelinta arrimaha doorshooyinka dalka, si doorashadu ay waqtigeeda ugu dhacdo.

Qorshahaan ayaa la filayaa in la hor keeno fadhiga guud ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, si loo dhaqan galiyo, kadibna loogu howlgalo.

Sidoo kale kulankaas waxaa looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood qeybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada, iyo iskaashiga heerarka dowladda ee qabashada doorashooyinka 2020-2021-ka.