Xukuumada Somaliland oo go’aan rasmi ah ka soo saartay ka QEYB-GALKA caleema-saarka A/Madoobe

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta war rasmiya ka soo saartay wafdi dhowaan la shaaciyay inay ka qeyb gali doonaan caleema saarka Axmed Madoobe.

Xukuumada ayaa sheegtay in aan laga qeyb gali karin caleema-saarkaasi, isla markaan si adag uga digtay in lagu milmo arrimaha siyaasada ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Cabdisamad Cumar Maal, Garyaqaanka guud ee Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inaan cid Somaliland ka tirsani aanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee u gaarka ah Soomaaliya, marka laga reebo arinta wadda-hadalada labada dhinac, wuxuuna yiri:

“Ninka odhanaya ama cida odhanaysa inay ka qabgasho caleemo-saarka gobol ka mid ah Somalia waa arin siyaasadeed, arimaha siyaasiga ahna in laga qaybgalo waxa aynu u leenahay go’aan labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ay si wadajir ah usoo saareen oo ay hore ugu mamnuuceen in dhamaan qaybaha bulshada”.

“Haddii ay noqoto aqoonyahan, Madaxdhaqameed, Siyaasiyiin iyo xildhibaan ciday doonaanba ha noqotee inaanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee Soomaaliya. Waxa kaliya ee Baarlamaanku waxkabadal ku sameeyey oo u ogolaaday xukuumadu inay ka qaybgali karto arimaha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay wada-leeyihiin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Cida kaliya ee awood u leh (mandate) inay ka qaybgalaan arimaha siyaasiga ah ee Soomaaliya waa xukuumadda, cid kale oo Somaliland magaceeda ku hadli karta ama sheegan karta oo dhanaysa waxaan ka qaybgalayaa arimaha Somalia, ama caleemo-saar ha noqoto ama shirarkooda ha noqoto ama dawladd dhisidooda ha noqotee ama dib u heshiisiintooda ha noqotee ma jirto”.

Hadalkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Maalmihii la soo dhaafay uu soo if baxayey muran baahsan oo ka dhashay in wafdi xildhibaano ka tirsan Somaliland ay ka qeyb-galayaan xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com