Xukuumada Somaliland oo qaaday talaabo ka dhan ah dagaal beeleedyada

Ceel Afweyne (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa qaaday talaabo ay ku xalineyso colaadaha dagaal ee ka dhex oogan Beelaha wada dega qaar kamid ah deegaanadeeda, kuwaasi oo dhowr jeer isku qaatay hub, isla markaana uu dhex-maray dagaal culus oo uu ka dhashay khasaaro baaxad leh.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa gaadhay degmada Ceel-Afweyne, iyaga oo kulamo la qaatay Guddiga nabadeynta dagaal ee deegaanadaasi, oo ay kusoo noq-noqdeen dagaal beeleedyadu.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa kala hadlay Guddigaasi sidii loo sii xoojin lahaa nabadeynta beelaha wada dega Ceel-Afweyn iyo deegaanada hoos yimaada degmadaasi, isla markaana looga baaqsan lahaa colaado cusub oo ka qarxa degmadaasi.

Wasiir Kaahin ayaa sidoo kale Guddigaasi kula dar-daarmay, isla markaana faray inay dar-dar geliyaan dib u heshiinta beelaha walaalaha ah, iyaga oo meel uga soo wada jeesanaya dad uu sheegay inay hurinayaan colaada beelaha wada dega Ceel-Afweyn.

Degmada Ceel-Afweyne iyo deegaanada hoos yimaada ayaa inta badan waxa ka dhaca dagaal dhex-mara beelo wada daga, iyada oo xukuumada Muuse Biixi ay dhowaan kala dhex dhigtay beelahaasi dagaalamay Ciidamo badan.

Waxaana dagaal dhowaan ku dhex-maray beelo ku dagaalamay deegaanada Ceel-Afweyn ay sababeen dhimashada labo qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale.