Xukuumadda Rooble oo war kasoo saartay qaraxii Banadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa goordhoweyd ka hadlay qarax barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday gaari uu la socday Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed oo ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaasi oo uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyay Jeneral Maxamed Xaashi oo qaraxa ku dhaawacmay, sidoo kalena uu u tacsiyadeeyay laba amid ah ilaaladiisa oo qaraxa ku dhaawacmay.

Macallimuu ayaa kusoo safeeyay Jeneraalka in uu kamid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee laf-dhabarta u ah Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka Macallimuu oo dhameystiran.

Caafimaad deg deg ah ayaan Eebe uga baryaynaa General Maxamed Xaashi Guuleed.

Kooxda cadowga ee Shabaab waxaa ay saaka qarax miino ku bartilmaameedsadeen General Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee CXDS inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalkii hore ee Digfeer kaas oo uu soo gaaray dhaawac.

Waxa aan General-ka Ilaah uga baryeynaa inuu siiyo caafimaad deg deg ah , waxa sidoo kale aan halkan u tacsiyadeynayaa qaraabada labada askari ee geeriyooday oo kala ah Feysal Xasan Cumar iyo Xuseen Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa ilaalada Jananka ,waxana aan Eebe uga rajeynayaa in Janadiisa uu u hibeeyo.

General Maxamed Xaashi waxa uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , xurmad weyna ku dhex leh kaas oo kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Militiriga Soomaaliya.

Ilaah ha caafiyo.