Xulka 17-jirada Soomaaliya oo qarka u saaran guul taariikhi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud ayaa hambalyo u diray xulka 17 jirrada oo qarka u saaran inay guul taariikhi ah kasoo hooyan ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Wasiirka ayaa ku amaanay xulka 17 jirrada dalkeena in uu kasoo baxay dadaalkii laga filayay, isagoona u rajeeyay inay ku guulaysan doonaan tartanka isreeb-reebka ah.

Xulka kubbadda cagta 17 jirrada ee Soomaaliya ayaa natiijo ah Rigoorayaal (7-8) kaga adkaaday xulka dhigooda ee dalka Uganda, ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Labada xul ayaa kulankooda wuxuu kusoo dhamaday 1-1, waxaana markii hore xulka Soomaaliya gool lagala hormaray ay iska soo gudeen intii lagu jiray qeybtii hore ee cayaarta, kadib markii uu gool aad u qurux badan u dhaliyay cayaar-yahan lagu magacaabo Cabdixafiid.

Xulka 17 jirada Soomaaliya ayaa final-ka la cyaari doona kooxda kasoo baxday guruubka labaad, waxayna haddii ay ku guulaystaan noqonaysaa markii ugu horraysay oo tartan nuucaan ah ay qaadaan.

Xulka Soomaaliya ayaa guushan uga dhigan inay u soo gudbeen Final-ka Isreeb-rebka 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa ayaa waxay si rasmi ah uga qeyb-gali doonaan tartanka 17 jirada ee CEFAFA oo 2023-ka ka dhacaya dalka Aljeeriya.