Daawo: Sanbaloolshe iyo Cali Jayte oo gaaray Yasooman kana hadlay dagaalkii maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa degan xaaladda degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo maanta uu ka dhacay dagaal socday ku dhawaad 7-saacadood, kadib markii waaberigii hore ee saakay ay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ay ku soo qaadeen Al-Shabaab.

Xildhibaan cabdullahi Sanbaloolshe, guddoomiye Cali Jayte, guddoomiyaha Maxaas iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Afrax ayaa galabta tegay Yasooman.

Masuuliyiintaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in jab xoog leh Al-Shabaab lagu gaarsiiyey dagaalkii ay maanta ku soo qaadeen Yasooman, inkastoo aysan shaacin khasaaraha rasmiga ah la gaarsiiyey kooxda ama soo gaaray ciidanka iyo dadka deegaanka.

“Waxaan joogaa tuulada Yasooman, dagaal culus ayaa ka dhacay halkaan, Khawaarijta ayaa soo weerartay, wax ka jira malaha in cadowgu qabsaday, dadku waa guuleysteen, waxaan rajeynayaa in dhamaan gobolka Hiiraan aan maalmaha soo socda ka wada xoreyno cadowga,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Xildhibaan ayaa ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ku amaanay, sida ay ugu diyaarsan yihiin inay iska difaacaan Al-Shabaab, “Waxaan idin leeyahay adkeysta, guushu waa intii la adkeysto, difaaca halagu jiro, guulna waan idiin rajeynayaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Dowladda Soomaaliya ayaa gelinkii hore ee maanta sheegtay in Al-Shabaab lagu jebiyey dagaalkii Yasooman, kooxda ayaa weerar culus ku qaaday deegaankaan oo ah mid israatiiji ah, waxaana saakay dhacay dagaal aad u culus oo gadaal ay uga soo biireen diyaaradaha dagaalka.

Hoos ka daawo