Xuseen Warsame: Xaq ma aha in la yiraahdo Farmaajo madaxtooyada ha ka guuro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya cadaadisyo hor leh, oo ku aadan inuu baneeyo xarunta looga taliyo dalka ee Villa Somalia, xili ay dhamaatay muddo xileedkiisa sharciga ah.

Xiisada doorashada ee ka dhanka ah Farmaajo ayaa kasii dartay kadib markii uu Golaha Shacabka meel-mariyay muddo kordhin sharci darro ah, kaasi oo markii dambe uu laalay horaantii toddobaadkan.

Farmaajo ayaa sidoo kale loo jeedinayay inuu ka guuro Villa Somalia, kaddib qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ka dhashay muddo kordhinta, inkasta oo ay xiisaddu hadda qabowday waxaa haddana wali Muqdisho aan laga saarin ciidamadii difaacyada ka sameystay xaafadaha qaarkood.

Haddaba, xiligaan ma tahay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu baneeyo Villa Somalia, sida ay dalbanayaan musharaxiinta mucaaridka.

Prof. Xuseen Warsame oo bare ka ah Jaamacadda Calgery ee dalka Canada, ayaa wareysi uu siiyay idaacada VOA-da waxa uu ku sheegay inaysan muuqan xiligan arrin kalifeysa in uu madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu ka guuro Madaxtooyada.

Professor-ka ayaa is-barbar-dhig ku sameeyay waqtiyadii ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif xilka hayaan, kuwaasi oo ayaga oo muddo xileedkooda uu dhamaaday kusii jirey Madaxtooyada, markaasna aan xaq loogu laheyn Farmaajo inuu asagana xiligaan baneeyo.

“Xaq uma laha (in la dhaho ka guur Villa Somalia), waxaa lagu sababeynayaa in madaxweynaha uu waqtigiisu ka dhamaaday, laakiin maaha markii u horeysay taariikhdeena ee madaxweyne waqtigiisu ka dhamaaday uu sii joogo Villa Somalia,” ayuu yiri.

“Markaa sanad iyo bar ayey u kordheen Sheekh Shariif, laftigiisa Xasan Sheekh waqti baa u kordhey inkasta oo uusan badneyn, waxayna sii joogeen Madaxtooyada, markaas meesha wey ka baxeysa arrintii ka bax aheyd, waayo wuxuu lamid yahay madaxweynayaashii hore”

Professor-ka ayaa ugu dambeyntiina soo dhaweeyay in Rooble uu la wareego arrimaha doorashooyinka iyo amnigeeda, taasi oo uu dhawaan ku wareejiyay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, kadib markii ay socon weysay muddo kordhintii loo sameeyay.

Hoos ka dhageyso codka Xuseen Warsame.