Magacyada saraakiisha loo doortay inay hoggaamiyaan ciidamada Badbaado Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Badbaado Qaran, kuwaas oo diidanaa muddo korarsigii laga laabtay ee Golaha Shacabka u sameeyeen hay’adaha dowladda. 

Saraakiishaan ayaa iska dhax doortay ama magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo isugu jira qeybaha ciidamada, kuwaas oo iska dhax doortay guddoomiye, ku-xigeen iyo afhayeen. 

Guddoomiyaha guddiga ayaa loo doortay Janaraal Cali Cosoble Caraay (Gacma-dule), halka ku xigeenna loo doortay Janaraal Indha Cade, ayada oo afhayeenka oo loo doortay Gaashaanle Diini Rooble Axmed.

Guddigaan ayaa la baxay magaca Ciidanka Badbaado Qaran waxaana ku jira rag khuburro ah. Xubnaha ku jira waxaa ka mid ah Jeneral Cabdimaalik Ismaaciil, taliyihii hore ee ciidamada Danab, Korneyl Saney Cabdulle, Korneyl Cusmaan Xaadoole iyo Jeneral Saadaq John.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in guddigaan ay la kulmi doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble islamarkaana ay kala hadli doonaan go’aanna ay xalay ku gaareen Muqdisho. 

Go’aannada ay gaareen ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin qorshayaasha looga baxayo Muqdisho islamarkaana loogu laaban lahaa goobaha ay ka yimaadeen ama furumaha ay ka soo baxeen. RW Rooble ayaa wada dedaalo uu xal ugu raadinayo xaalada Muqdisho oo wali ah jawi ciidan.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, saraakiisha ayaa sidoo kale isku raacay inaysan ka bixin goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho illaa ra’iisul wasaare Rooble uu ka qaado tallaabo muujineysa in lagu kalsoonaan karo, waxayna ka dalbadeen inuu beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda ee ku lugta lahaa dagaalkii lagu soo qaaday musharaxiinta madaxweyne 25-kii April.

Waxay sheegeen in kahor inta aanay ciidanka ka saarin caasimadda ay muhiim tahay in la hubiyo in ra’iisul wasaare Rooble uu daacad ka yahay dadaallada uu wado iyo inuu yahay nin fulinaya aragti uu Farmaajo usoo dhiibay oo gadaal laga maamulayo, taasi oo looga aargudanayo ciidankii ka hor-yimid muddo kororsiga.