Qarax ka dhacay xuduudda dalalka Soomaaliya iyo Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib qarax ka dhacay xadka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen dadkaasi oo ahaa qandaraasleyaal dhisayey darbiga ay Kenya ka sameyneyso xuduuda ay wadaagaan dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya oo ka hadlay qaraxaasi ayaa ku eedeeyey inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab oo weeraro culus ka fulisa gudaha dalkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortegi doonaan weerarada khasaaraha geysta ee ka dhaca deegaanada u dhow xadka Soomaaliya

Weerarkan qaraxa ah ayaa si gaar ah uga dhacay gobolka Xeebta ee Laamu, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska oo baaritaano ka sameeyey halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha dalka Kenya, iyaga oo beegsada ciidamada dalkaas iyo gawaarida dadweynaha.